WARBIXIN: 4 Arin Oo Laga Bartay Qaab Ciyaareedka Liverpool Ee Bishii Ugu Horaysay Xilli Ciyaareedka.

Inkasta oo ayna samayn saxiixyo badan suuqii xagaaga, Koooxda Liverpool ayaa si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Kooxda ayaa badisay 3 kulan iyada oo aan laga dhalin wax gool ah waxana ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah kulankii ay ka badiyeen Man United.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 4 arimood oo laga bartay qaab ciyaareedka Liverpool kulamadii bishii August ee ugu horaysay premier League.

1.Liverpool way u tartamaysaa horyaalka:

Waxa jira laba kooxood oo soo wada guulaystay saddexdii kulan ee Premier League ilaa hadda xilli ciyaareedkan.

Mid waa sida iska cad Manchester City midda kalena waa Liverpool.

Reds ayaa sidaas u samaysay qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo garaacay Ipswich Town, Brentford iyo Manchester United iyada oo aan hal gool laga dhalin.

Waa maalmo hore, hubaal, laakiin waxay u eg yihiin kuwa u tartamaya horyaalka mar kale xilli ciyaareedkan.

2.Shaxda Arne Slot Oo Guul ah:

Qaab ciyaareedka Liverpool waxa qayb weyn sabab u ah shaxda cajiibka ah ee tababare Arne Slot.

Tababarihii hore ee Feyenoord ayaa ku xiiso galiyay taageerayaasha Reds awooda uu qaab ciyaareed cajiib ah kaga soo saarayo kooxda.

Tababaraha ayaa ku ciyaara shaxda 4-2-3-1 taas oo ah mid ay kaga faa’iidaystaan diciifnimada kooxaha kale.

3.Qaab ciyaareedka Luis Diaz:

Xiddiga Diaz ayuu shaki ku jiray mustaqbalkiisa Liverpool iyada oo warar badan sheegayeen in ay kooxdu iska iibin doonto  xiddiga suuqii xagaaga.

Laakiin xiddiga reer Colombia ayaa ku bilowday ciyaarta qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo ilaa haatan dhaliyay 3 gool.

4.Mohamed Salah waa soo laabtay:

Kadib qaab ciyaareedkiisii hoos u dhacay dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, Salah ayaa si dar-dar leh ku bilowday xilli ciyaareedka.

Salah ayaa ku soo laabtay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa waxana uu dhaliyay 4 gool ilaa haatan xilli ciyaareedka halka uu caawiye ka noqday 3 kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga