WARBIXIN: 4 Arimood Oo Aan Ka Baranay Man United Bishii Ugu Horaysay Ee Premier Legaue.

Kooxda Man United ayaa wacdaro ka dhigtay suuqii xagaaga laakiin waxa ay wali ku dhibaatoonaysaa garoonka dhexdiisa.

Man United ayaa laga badiyay 2 ka mid ah 3-dii kulan ee la ciyaaray horyaalka premier Legaue.

Iyada oo la galay fasaxii xulalka waxa aan qiimayn doonaa qaab ciyaareedka Man United bishii Ugu Horaysay ee premier League.

1.Waxa ay iska celin karaan kooxaha waaweyn:

Man United ayaa wacdaro dhigi karta marka ay la ciyaarayso kooxaha waaweyn, sidii dhacday kulankii Community Shield-ka.

United ayaa si fiican u ciyaartay kulankii bilowga xilli ciyaareedka ay la ciyaartay Man City.

Waxa la odhan karaa Man United waxa ay awood u leedahay in ay iska celiso kooxaha waaweyn marka ay ka hor yimaadaan.

2.Saxiixyada cusub oo wakhti u baahan si ay ula qabsadaan kooxda:

Man United ayaa samaysay saxiixyo badan suuqii xagaaga iyada oo la soo saxiixatay xiddigaha Joshua Zirkzee, Leny Yoro, Matthijs de Ligt, Noussair Mazraoui iyo Manuel Ugarte.

Xiddigaha ku soo biiray kooxda Man United ayaa u muuqda kuwo aan wali la qabsan premier League waxana ay u baahan yihiin wakhti ay kula qabsadaan kooxda.

3.Diciifnimada oo wali jirta:

Man United ayaa wali u muuqata kuwo diciif ka ah dhinaca daafaca iyada oo kooxda laga dhaliyay 5 gool 3-dii kulan ee ay ciyaartay premier League.

Ten Hag ayaa rajaynaya in uu xal u keeno dhibaatada daafaca marka laga soo laabto fasaxa kulamada caalamiga ah.

4.Rashford oo wali dhibaatoonaya:

Marcus Rashford ayaa halkiisii ka sii bilaabay qaab ciyaareedkii xumaa ee uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa si weyn ugu dhibaatoonaya qaab ciyaareedka waxana uu la kulmay dhaleecayn xoogan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga