WARBIXIN: 3 Sabab Oo Ka Dambaysay Shaqo Ka Caydhintii Frank Lampard Ee Chelsea.

Frank Lampard ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee ay koox weyn oo Premier League ah shaqada ka caydhiso kadib markii ay chelsea Isniintii shaqada si Rasmi ah uga cadhisay.

Frank Lampard ayaa shaqo fiican ka qabtay kooxda isaga oo kalsooni siiyay xiddigo da’yar ah kuwaas oo awoodooda muujiyay waliba qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Laakiin Lampard ayay ku dhacsay seefta shaqo ka caydhinta isaga oo kooxda laga cadhiyay kadib 19 bilood oo uu hogaaminayay kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 3 sabab oo ka dambaysay in uu Lampard shaqdiisa waayo.

1.Saxiixyada Cusub Oo Uu Si Xun U Istimcaalay:

Chelsea ayaa suuqii xagaaga ahayd kooxda ugu mashuulka badan iyaga oo la soo saxiixday 7 saxiix xilli 6 ka mid ah ahaayeen kooxda 1-aad waxana la filayay in ay kooxdu u tartanto koobabka xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa la soo saxiixatay xiddigaha Hakim Ziyech, Timo Werner, Ben Chilwell, Thiago Silva, Malang Sarr, Edouard Mendy Iyo Kai Havertz.

Laakiin Tababare Lampard ayaa ku dhibaatooday in uu boosas ay ku fiicanyihiin u helo xiddigaha kooxda ku soo biiray gaar ahaan xiddigaha Havertz iyo Werner kuwaas oo ay kooxdu ka soo bixisay 160 milyan oo euro.

Sidaas darteed qaabka xun ee uu u Adeegsaday xiddigaha kooxda ku soo biiray xagaagii ayaa keentay in uu waayo shaqadiisa.

2.Difaac Xumo:

Xilli ciyaareedkii hore chelsea ayaa laga dhaliyay 56 gool waxana ay chelsea ka mid ahayd 10 kooxood ee ugu xun sidaa darteed kooxdu waxa ay la soo saxiixatay Goolhaye Edouard Mendy iyo waliba daafacyada Thiago Silva, Ben Chilwell si ay u xaliyaan dhibaatada daafaca.

Chelsea ayaa bilowgii xilli ciyaareedka u muuqatay kuwo xaliyay dhibaatada daafaca laakiin Qaab ciyaareedka daafacyada ayaa hoos u dhacay iyada oo laga dhaliyay goolal badan kulamadii ugu dambeeyay premier League taas oo keentay in ay kooxdu difaac xumo ku dhibaatooto.

Chelsea ayaa laga dhaliyay 23 gool 19 kulan oo ay ciyaareen taas oo ah tiro ay maamulka kooxdu aqbali waayeen marka loo eego lacagta la galiyay kooxda xagaagii.

3.Samir La’aan:

Kadib hoos u dhicii natiijooyinka ku yimid iyo waliba saxiixyada cusub oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigi waayay waxa soo if baxday samir la’aanta masuuliyiinta kooxda chelsea.

Lampard ayaa ahaa tababare da’yar ah oo aan wali soo hogaamin koox weyn waxana uu Blues hogaaminaay hal xilli ciyaareed iyo badh waxana ay ahayd in la siiyo wakhti uu awoodiisa ku muujiyo.

Laakiin masuuliyiinta chelsea ayuu samirkii ka dhamaaday waxana ay go’aansadeen in ay ka cadhiyaan shaqada Tababare Lampard.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 3 Arin Oo Dhici Doona Kaliya Hadii Aad Noloshaada Ku Haysto Gabadha Saxda Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*