
Mikel Arteta ayaa si isdaba joog ah ugu tartarsiiyay ciyaartoydiisa inay sameeyaan taariikh inta lagu guda jiro Champions League xilli ciyaareedkan – haatana tababaraha Arsenal waa inuu mar kale sameeyo.
Arsenal ayaa ku soo wajahan Paris Saint-Germain lugta labaad ee semi-finalka iyagoo u baahan inay ka Soo laabtaan Guuldaradii lugta hore ee ay kala kulantay kooxda PSG.
Labo jeer oo kaliya ayay koox premier league ah Iska xaadirisay Final Champions League Kadib markii Laga badiyay loo lugtii hore ee Semi Final-ka tartanka.
Laakiin Arteta ayaa aaminsan in Arsenal ay haysato waxa ay ku qaadanayso soo laabashada ayna ku jirtay niyad jab kadib guuldaradii talaadadii, isaga oo ku adkaystay in kooxdiisu ay wax “gaar ah” ku samayn karto Paris todobaadka soo socda.
Hadaba warbixintan waxa aan ku Soo bandhigi karnaa sababo ay Arsenal uga Soo laaban karto guuldaradii Soo gaadhay.
Partey waa soo laabtay”:
Maqnaanshaja Partey Ayaa mar walba la dareemayay in ay noqon doonto mid la tabo kulankii hore
Bilowgii ciyaarta PSG ayaa ka faa’iidaystay booskiisa uu buuxin jitay Partey iyaga oo dhaawacay kooxda Arteta.
PSG waxay siin doontaa Arsenal fursado:
PSG ayaa wacdaro ka dhigtay 30-kii daqiiqo ee ugu horeeyay Salaasadii, laakiin Arsenal ayaa niyadda ku qaban doonta qaabkii ay u abuureen fursado ay iyaga ku dhalin karaan.
Gianluigi Donnarumma ayaa laba joogsi fiican sameeyay si uu u beeniyo Gabriel Martinelli iyo Trossard, halka Joao Neves uu soo saaray taako geesinimo leh si uu Merino uga ilaaliyo inuu gool dhaliyo.
Arsenal ayaa kalsooni ka qaadan doonta xaqiiqda ah in PSG ay siin doonto fursado isbuuca soo socda, gaar ahaan kubadaha karooska ah.
Dembele shaki ayaa ku jira:
Wax badan ayaa laga sameeyay salaasadii ka hor sida ay PSG u ahayd koox ka duwan tii Arsenal ay garaacday bishii October.
Farqiga ugu muhiimsan ayaa ahaa joogitaanka Dembele, kaasoo seegay kulankii ugu horreeyay ka dib markii laga saaray kooxda sababo edbin ah.
Xiddiga ayaa Dhibaato ku ahaa Daafacyada Arsenal waxba maqnaanshihiisuna u fiican yahay kooxda Arsenal.
Be the first to comment