WARBIXIN: 3 Arin Oo Ka Dhici Kara Liverpool Ka Hor Inta Uuna Xidhmin Suuqa Xagaaga

Kooxda Liverpool ayaa ku laabatay suuqa kala iibsiga iyada oo si cad u sheegtay in ay la soo saxiixan doonto xiddig cusub oo khadka dehxe ah.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaa tartan la galaysa wakhtiga si ay u dhamaystirto saxiixa xiddig khadka dhexe ah marka la eego in uu suuqu xidhmi doono khamiista.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 3 arin oo ka dhici kara Liverpool ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.

1.In ay soo iibsato xiddig khadka dhexe ah:

Reds ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso dhowr dookh oo khadka dhexe kuwaas oo ay ka mid yihiin  Frenkie de Jong,Ruben Neves iyo Moises Caicedo.

Ilaa haatan ma kala cada xiddiga ay dookha 1-aad ka dhigatay si ay ugu xoojiso khadka dhexe laakiin waxa ay raadinaysaa xiddig cusub oo khadka dhexe ah.

2.In Ay Amaah kula soo wareegto xiddig khadka dhexe ah.

Hadii ay liverpool waydo xiddig ku haboon khadka dhexe ee kooxdeeda oo ay si toos ah ula wareegi karto Reds ayaa u dhaqaaqi donta xiddigo khadka dhexe oo amaah ah.

Xiddigaha Chelsea iyo Real Madrid ee Dani Ceballos & Connor Gallagher ayaa la sheegayaa in ay isha ku hayaan.

3.In Ay Ku Fashilanto Saxiixa Xiddig Khadka Dhexe ah:

Mararka qaar in aad wakhti dambe oo suuqa ah gasho ayaa keeni karta in aad waydo xiddigaha aad doonayso maadama ay kooxaha qaar diidaan in ay xiddigohooda iska iibiyaan dhamaadka suuqa.

Hadii ay Reds ku fashilanto in ay samayso saxiix cusub oo khadka dhexe ah waxa ay ku ducaysanayaan in uu Thiago horay u soo laabto sidoo kale ayna Henderson iyo Fabinho ka dhaawacmin.