WARBIXIN: 20-ka Xiddig Ee Baasaska Ugu Muhiimsan Ka Sameeyay Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Tartanka loogu jiro caawinta premier League xilli ciyaareedkan ayaa maraya meel xiiso leh.

Haatan xiddiga weerarka uga ciyaara Tottenham ee Harry Kane ayaa ah xiddiga hogaaminaya caawinta goolasha isaga oo sameeyay 8 caawin.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Aston Villa ee Jack Grealish kaas oo sameeyay 5 caawin ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Xiddiga cusub ee kooxda Everton ee James Rodriguez ayaa ku jira kaalinta 3-aad isaga oo sameeyay 3 caawin xilli ciyaareedkan premier League.

Xiddiga kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa ku jira kaalinta 4-aad kadib 3 caawin oo uu sameeyay.

Si kasta ha ahaatee Liiska caawinta ayaa is badalaya marka la qiimeeyo baasaska muhiimka ah ee kulan kasta.

Xiddiga kooxda Man City ee Kevin De Bruyne oo xilli ciyaareedkii hore sameeyay 20 caawin ayaa hogaaminaya isaga oo ilaa haatan sameeyay 3.3 baas oo muhiim ah kulan kasta.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Aston Villa ee Ross Barkley kaas oo sameeyay 3 baas oo muhiim ah kulan kasta intii uu ciyaaray xilli ciyaareedkan.

Xidiga Man City ee Fernandes ayaa ku jira kaalinta 3-aad isaga oo sameeyay 2.9 baas oo muhiim ah kulan kasta waxana ku xiga xiddiga kooxda Aston Villa ee Jack Grealish kaas oo sameeyay 2.7 baas oo muhiim ah kulan kasta.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa kaalinta 4-aad ku jira isaga oo sameeyay 2.6 baas oo muhiim ah kulan kasta.

Hadaba halkan hoose Kaga bogo 20-ka xiddig ee sameeyay baasaska ugu badan ee muhiimka ah premier League xilli ciyaareedkan.

  1. Kevin de Bruyne – Manchester City – Baas muhiim ah kulan kasta: 3.3 – Caawin: 3
  2. Ross Barkley – Aston Villa – Baas muhiim ah kulan kasta: 3 – Caawin: 1
  3. Bruno Fernandes – Manchester United – Baas muhiim ah kulan kasta: 2.9 – Caawin: 3
  4. Jack Grealish – Aston Villa – Baas muhiim ah kulan kasta: 2.7 – Caawin: 5
  5. Mohamed Salah – Liverpool – Baas muhiim ah kulan kasta: 2.6 – Caawin: 0
  6. Jack Harrison – Leeds – Baas muhiim ah kulan kasta: 2.6 – Caawin: 2
  7. James Rodriguez – Everton – Baas muhiim ah kulan kasta: 2.4 – Caawin: 3
  8. Harry Kane – Tottenham – Baas muhiim ah kulan kasta: 2.3 – Caawin: 8
  9. Son Heung-Min – Tottenham – Baas muhiim ah kulan kasta: 2.3 – Caawin: 2
  10. Ben Chilwell – Chelsea – Baas muhiim ah kulan kasta.: 2.2 – caawin: 2
  11. Tom Cairney – Fulham – Baas muhiim ah kulan kasta: 2.1 – Caawin: 0
  12. Aaron Cresswell – West Ham – Baas muhiim ah kulan kasta: 2.1 – Caawin: 3
  13. John McGinn – Aston Villa – Baas muhiim ah kulan kasta: 2 – Caawin: 4
  14. Kalvin Phillips – Leeds – Baas muhiim ah kulan kasta: 2 – Caawin: 1
  15. Pedro Neto – Wolves – Baas muhiim ah kulan kasta: 1.9 – Caawin: 2
  16. Marcus Rashford – Manchester United – Baas muhiim ah kulan kasta: 1.9 – Caawin: 3
  17. Sadio Mane – Liverpool – Baas muhiim ah kulan kasta: 1.9 – Caawin: 1
  18. Ademola Lookman – Fulham – Baas muhiim ah kulan kasta: 1.8 – Caawin: 0
  19. Riyad Mahrez – Manchester City – Baas muhiim ah kulan kasta: 1.8 – Caawin: 1
  20. Mateusz Klich – Leeds – Baas muhiim ah kulan kasta: 1.8 – Caawin: 3

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*