WARBIXIN: 15 Xiddig Ee Ka Soo Jeeda England Ee Ugu Qaalisan Suuqa Kala Iibsiga Oo La Soo Saaray

Sanadba sanadka ka dambeeya xiddigaha ka soo jeeda England ayaa sii qaaliyoobaya marka laga hadlayo suuqa kala iibsiga iyaga oo sanadba sanadka ka dambeeya lagu iibisanayo lacag qaali ah.

Suuqa xagaagan xiddiga Jadon Sancho ayaa Man United ugu biiray lagac dhan 72.9 milya euro kadib markii ay Red Devils Kooxda Borussia Dortmund kala heshiisay saxiixa xiddiga reer Englanda.

Man United ayaa sancho ku guulaystay saxiixiisa kadib muddo sanad ah oo ay ku raad joogtay waliba sanadkii hore uga hadhay baacsigiisa sabab la xidhiidha qiimihiis oo aad u badnaa.

Kadib Sancho Arsenal ayaa baanka u jabisay daafaca dhexe ee Ben White kaas oo ay Brighton ugala soo wareegtay lacag dhan 50 milyan oo euro si ay ugu xoojiso daafaceeda dhexe xilli ciyaareedka cusub.

Gunners ayaa Ben White ka dhigtay daafaca ugu qaalisan taariikhdooda iyaga oo sidoo kale ka dhigay saxiixood 3-aad ee ugu qaalisan taariikhdooda iyaga oo ka dhigay saxiixooda ugu qaalisan xagaagan.

Shabakada 90min ayaa soo bandhigtay liiska 15-ka saxiix ee ugu qaalisan ee xiddigaha reer England kadib saxiixyada Jadon Sancho iyo Ben White.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Jirtaan Laba Wiil Hal Mar Ku Wada Jecle, Ma Doonaysaa In Aad Dooratid Midka Adiga Kuu Fiican, Habkan Fudud Ayaa Ku Caawinaysa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*