WARBIXIN: 13 Xiddig Oo La Filayo In Ay Wacdaro Ka Dhigaan Koobka Adduunka 2026

Waxaa la soo gabagabeeyay ciyaarihii isreeb-reebka Yurub ee u soo baxa Koobka Adduunka 2026, kuwaas oo ay ka dhaceen lama filaano badan, iyadoo xulal qaarkood ay soo baxeen kuwo kalena ay hareen, waxaana ugu weynaa xulka Talyaaniga oo ka haray.

Sidoo kale waxaa la go’aamiyay xulalkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay isreeb-reebka caalamiga ah, kuwaas oo kala ahaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Ciraaq, kaddib markii ay ka adkaadeen Jamaica iyo Bolivia.

Taariikh ahaan, Koobka Adduunka waxa lagu yaqaanaa inuu soo saaro xiddigo cusub oo noqda kuwo caan ah, isla markaana noqda bartilmaameed ay ku tartamaan kooxaha waaweyn ee Yurub.

Qiyaastii 20 sano ka hor, Koobka Adduunka wuxuu ahaa meel ay ka soo baxeen halyeeyo waaweyn sida Lionel Messi (Argentina) iyo Cristiano Ronaldo (Portugal), tartan lagu qabtay Jarmalka oo uu ku guuleystay Talyaaniga—xulkaas oo hadda aan ka qayb geli doonin koobka xiga.

Sidaas darteed, Koobka Adduunka 2026 waxaa la filayaa inuu noqdo mid ay ka dhex muuqdaan xiddigo cusub oo badan oo markii ugu horreysay ka ciyaaraya, kuwaas oo difaacaya calamada dalalkooda. Hoos waxaa ku qoran qaar ka mid ah:

  • Estevao (Chelsea)
    Xiddigan reer Brazil ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan ka hor inta uusan Chelsea ku biirin 2025. Inkastoo uusan wali wax koob ah la qaadin, haddana waxaa la filayaa inuu si weyn u iftiimo Koobka Adduunka. Wuxuu ciyaaray 33 kulan, isagoo dhaliyay 7 gool, 3-na caawiyay.
  • Ibrahim Diaz (Real Madrid / Morocco)
    Inkastoo uu yahay 26 jir, haddana waa xubin muhiim ah oo xulka Morocco ah. Wuxuu ku guuleystay kabta dahabka ah ee AFCON isagoo dhaliyay 5 gool.
  • Arda Güler (Real Madrid / Turkey)
    Wuxuu noqday mid ay taageerayaashu jecel yihiin kadib markii uu helay fursad badan. Wuxuu ka caawiyay Turkey inay u soo baxdo Koobka Adduunka.
  • Lennart Karl (Bayern Munich / Germany)
    18 jirkan ayaa si weyn u iftiimay, wuxuuna noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee Jarmal ah ee gool ka dhaliya Champions League.
  • Brian Brobbey (Sunderland / Netherlands)
    Weeraryahankan ayaa si fiican uga ciyaaray Sunderland, isagoo dhaliyay 7 gool 26 kulan.
  • Viktor Gyökeres (Arsenal / Sweden)
    Inkastoo xilli ciyaareedkiisu uusan aad u fiicnayn, haddana wuxuu door weyn ka qaatay u soo bixitaanka Sweden.
  • Omar Marmoush (Manchester City / Egypt)
    Inkastoo aan si buuxda loo qadarin, haddana wuxuu noqday xubin muhiim ah xulka Masar.
  • Lamine Yamal (Barcelona / Spain)
    18 jirkan ayaa si degdeg ah u noqday xiddig weyn, wuxuuna ka mid yahay kuwa loogu saadaalinayo inay hoggaamiyaan Spain.
  • Rayan Cherki (Manchester City / France)
    Wuxuu noqday ciyaaryahan muhiim ah oo uu ku tiirsan yahay Pep Guardiola, isagoo dhaliyay 9 gool isla markaana caawiyay 10.
  • Nico Paz (Como / Argentina)
    Wuxuu si weyn uga dhex muuqday Serie A, isagoo dhaliyay 10 gool isla markaana caawiyay 6.
  • João Vitinha (PSG / Portugal)
    Waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Yurub, wuxuuna kaalinta 3aad ka galay Ballon d’Or 2025.
  • Adam Wharton (Crystal Palace / England)
    Khadka dhexe ee Palace ayuu si fiican uga ciyaaray, wuxuuna soo jiitay kooxo waaweyn.
  • Erling Haaland (Manchester City / Norway)
    Wuxuu hoggaamiyay Norway inay u soo baxdo Koobka Adduunka markii ugu horreysay tan iyo 1998, isagoo sidoo kale ah gooldhaliyaha horyaalka England.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga