WARBIXIN: 10-kii Xiddig Ee Ay Liverpool Kala Soo Wareegtay Kooxaha Ka Hadha Premier League Xilli Ay Doonayso Jamal Lewis

Marka laga hadlo saxiixyada cusub Liverpool ayaan ka cabsan in ay ka fikirto meel ka baxan horyaalka premier League.

Sanadihii ay jirtay kooxdu Reds ayaa la soo saxiixatay xiddigaha ka hadha horyaalka premier League.

Xiddiga kooxda Norwich City ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee ay doonayso in ay la soo saxiixato xilli ay ku dhawyihiin xiddiga 22 jirka ah inkasta oo laga diiday dalabkii furitaanka ahaa.

Hadii uu Jamal Lewis ku soo biiri Liverpool waxa ay noqon doontaa xagaagii 6-aad oo xidhiidh ah oo ay xiddig kala soo saxiixatay koox ka hadhay premier Leageu iyada oo qaar ka mid noqdeen xiddigaha ugu muhiimasan kooxdii ku guulaystay premier League xilli ciyaareedkan.

Hadaba wargayska Mirror ayaa soo saaray warbixin uu ku soo bandhigay 10-kii xiddig ee ay Liverpool kala soo saxiixatay kooxaha ka hadhay premier League.

Gini Wijnaldum – £23m -> Newcastle United, July 2016:

Xiddiga reer Holland ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Newcastle laakiin kooxda ayaa ka hadhay horyaalka xilli ciyaareedkii 2015/2016 waxana ay liverpool si lama filaan ah ula soo wareegtay todobaadyo kadib markii ay ka hadhay horyaalka.

Andy Robertson – £8m -> Hull City, July 2017:

Xiddigan oo ka mid ah furayaashii guulaha Liverpool labadii sano ee ugu dambeeyay ayay Liverpool xagaagii 2017 kala soo wareegtay Hull City iyaga oo ku badashay xiddiga kevin Stewart.

Xherdan Shaqiri – £13.5m -> Stoke City, July 2018:

Liverpool ayaa xagaagii 2018 si lama filaan ah ula soo saxiixatay xiddiga Shaqiri isaga oo wakhti kula soo biiray kooxda xiddigaha Alisson, Fabinho & Naby Keita iyaga oo ka soo qaatay Stoke markii ay ka hadhay horyaalka.

Harvey Elliott –  Fulham, July 2019

Danny Ings – £6.5m -> Burnley, June 2015

Charlie Adam – £6.75m -> Blackpool, July 2011

Jermaine Pennant – £6.7m -> Birmingham City, July 2006:

Peter Crouch – £7m -> Southampton, July 2005:

Chris Kirkland – £6m -> Coventry City, August 2001:

Stephane Henchoz – £3.5m -> Blackburn Rovers, June 1999:

Sii Akhriso: Qarax Weyn Oo Ka Dhacay Saldhig Ciidan Oo Ku Yaala Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*