WARBIXIN: 10-kii Saxiix Ee Ugu Xumaa Kooxda Liverpool Ee 10-kii Sano Ee La Soo Dhaafay

Kooxda Liverpool ee dhawaan loo caleemo saaray horyaalka premier League ayaa ah koox maskax badan dhanka suuqa kala iibsiga laakiin arintaas ayaan mar walba sidaas ahayn.

Xiddigaha Andy Robertson, Georginio Wijnaldum, Roberto Firmino & Sadio Mane ayaa dhamaantood kooxda ku yimid lacag aad u jaban laakiin waxa ay ka mid noqdee xiddigaha ugu fiican.

Reds ayaa samaysay saxiixyo aad u qaali ah laakiin ku fashilmay kooxda oo aan ku soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga doonayay ugu dambayna isaga tagay kooxda.

Wargayska Mirror Football ayaa soo saaray 10-Kii saxiix ee ugu xumaa ee ay Liverpool samaysay 10-kii sano ee la soo dhaafay.

1.Christian Poulsen

Xiddiga reer Denmark ayaa ka soo ciyaaray 5-ta horyaal ee ugu waaweyn ee yurub laakiin wakhtigiisii England ayaan ahayn mid guulaysta kadib markii uu Liverpool kaga soo biiray Juventus sanadkii 2010.

Poulsen ayaa kaliya 12 kulan u saftay Liverpool horyaalka premier League waxana uu isaga tagay kooxda isaga oo ku biiray kooxda reer France ee Evian.

2.Fabio Borini:

Saxiixii ugu horeeyay ee tababare Brendan Rodgers ayaa ahaa xiddiga reer Italy kaas oo kaliya dhaliyay 3 gool 38 kulan oo uu ciyaaray ka hor inta uuna isaga tagin kooxda markaas oo uu ku biiray Sunderland.

3.Paul Konchesky:

Xiddiga reer England ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Fulham laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday markii uu ku soo biiray Liverpool markii uu tababaraha u ahaa Roy Hodgson laakiin xiddiga ayaan wakhti dheer ku qaadan kooxda waxana laga iibiyay kooxda Nottingham Forest.

4.Charlie Adam:

Xiddigan ayaa ku soo biiray Liverpool sanadkii 2011 markii uu kooxda hogaaminayay tababare Kenny Dalglish kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay kooxda Blackpool.

Laakiin Hal sano kadib xiddiga ayaa isgaa tagay kooxda isaga oo 4 milyan ugu biiray Stoke City kadib markii uu ku dhibaatooday kooxda Liverpool.

5.Stewart Downing

Stewart Downing Ayaa kooxda Aston Villa u saftay wax ka badan 300 oo kulan markii uu ku soo biiray Liverpool sanadkii 2011.

Tababare Dalglish ayaa xiddiga u arkay mid kooxdiisa u qaadi kara heer kale laakiin xiddiga ayaa ku fashilmay in uu wax gool ah dhaliyo ama caawiyeo 2,477 daqiiqo xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

6.Alberto Moreno:

Xiddigan ayaa Liverpool ku soo biiray Isgaa oo Europa League kula guulaystay Sevilla sanadkii 2014 laakiin xiddiga reer Spain ayaa ku fashilmay in uu qaab fiican ku soo bandhigi.

Xiddiga ayaa isaga tagay kooxda 2019 5 sano kadib markii uu kooxda joogay isaga oo booskiisa u waayay xiddiga Andy Robertson.

7.Mario Balotelli:

Xiddiga reer Italy ayay Liverpol u keentay badalka Luis Suarez oo ku biiray Barcelona laakiin xiddiga ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay dhaliyay 10 gool oo kaliya.

Xiddiga ayaa isaga tagay kooxdakadib hal xilli ciyaareed oo uu joogay kooxda iyada oo si xor ah waliba isaga fasaxday xiddiga reer Italy.

8.Christian Benteke:

Xiddiga reer Belguim ayaa 20 gool dhaliyay 3 xilli ciyaareed ee uu joogay Aston Villa waxana uu Liverpool ugu soo biiray sanadkii 2015 laakiin xiddiga ayaa kaliya 9 gool dhaliyay 29 kulan oo uu ciyaaray isaga oo kaliya hal gool ku dhaliyay Anfield.

9.Lazar Markovic:

Xiddigaha Ederson, David Luiz ayaa Nemanja Matic ka soo baxay kooxda Benfica laakiin Markovic ayaa si weyn ugu fashilmay markii uu ku soo biiray kooxda Liverpool sanadkii 2014.

Xiddiga reer Serbia ayaa 20 milyan ugu soo biiray Reds laakiin kala badh heshiiskii 4-ta sano eee Liverpool waxa uu ku qaatay amaaho kala duwan.

10.Andy Carroll:

Xiddiga reer England ayaa ahaa saxiixa ugu qaalisan suuqa Reds markii uu ku soo biiray Liverpool isaga oo ugu soo biiray lacag dhan 35 milyan oo euro sanadkii 2011.

Xiddiga Andy Carroll ayaa kooxda Liverpool u dhaliyay 6 gool 44 kulan oo uu u saftay kooxda isaga oo dhaawacyo la dhibaatooday wakhtigiisii Liverpool.