WARBIXIN: 10-ka Xiddig Ee Ugu Qaalisan Kubada Cagta Oo La Soo Saaray & Lama Filaan Lagu Arkay.

Shabakada Transfermarkt ayaa soo saartay Liiska xiddigaha ugu qaalisan kubada cagta xilli ciyaareedkan iyaga oo soo saaray 10-ka xiddig ee ugu qaalisan.

Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa loo magacaabay xiddiga ugu qaalisan kubada cagta adduunka sanadkan isaga oo ku fadhiya lacag dhan 160 milyan oo euro.

Waxa ku xiga xiddiga koxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland kaas oo ku fadhiya 150 milyan oo euro kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu la soo qaatay kooxdiisa.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Tottenham ee Harry Kane ayaa ku jira kaalinta 3-aad isaga oo ku fadhiya lacag dhan 120 milyan oo euro.

Xiddigaha Jack Grealish, Mohamed Salah, Romelu Lukaku, Kevin De Bruyne iyo Neymar ayaa dhankooda ku fadhiya qiimo lacageed oo dhan 100 milyan oo euro.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in xiddigaa Cristiano Ronaldo, Lionel Messi & Robert Lewandowski ayaan xitaa ku soo bixin 10-ka xiddig ee ugu qaalisan kubada cagta.

blog_image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*