WARBIXIN: 10-ka Xiddig Ee Ugu Fiican Premier League Oo La Soo Saaray.

Waxa la ciyaaray 2-dii bilood ee ugu horeeyay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Waxa Jira xiddigo badan oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kuwaas oo is muujiyay durba.

Halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee ugu fiican premier League ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

1.Cole Palmer (Chelsea):

Xiddiga ayaa dhaliyay 4 gool kulankii ay chelsea ka badisay Brighton waxana uu ku jiraa qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo ilaa haatan dhaliyay 6 gool.

2.Erling Haaland (Man City)

Xiddiga reer Norway ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo ilaa haatan dhaliyay 10 gool horyaalka premier League waxana uu sii wadaa qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa.

3.Bukayo Saka (Arsenal)

Waa xiddiga ugu fiican kooxda Arsenal waxana uu kooxda ka dhigay kuwo u tartamaya horyaalka premier League.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa dhaliyay 3 gool halka uu caawiye ka noqday 7 kale ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

4.Luis Diaz (Liverpool):

Xiddiga reer Colombia ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan Liverpool waxana uu muujiyay in uu hogaamin karo weerarka Reds.

Xiddiga ayaa dhaliyay 5 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay hogaanka u qabato premier League.

5.Gabriel Magalhaes (Arsenal)

6.Mohamed Salah (Liverpool)

7.David Raya (Arsenal)

8.Bryan Mbeumo (Brentford)

9.Ryan Gravenberch (Liverpool)

10.Jhon Duran (Aston Villa)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga