WARBIXIN: 10-ka Xiddig Ee Ugu Fiican 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Qaarada Yurub Oo La Soo Saaray.

Horyaalada qaarada yurub ayaa meel xiiso leh maraya meel xiiso iyo xamaasad leh iyada oo la galay fasaxii 2-aad ee xulalka kadib markii muddo laba bilood ah.

Intii ay socdeen horyaalada kala duwan waxa jira xiddigo haatanba is muujiyay soona bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kooxohoodana si weyn u caawiyay.

Kadib markii la joojiyay horyaalada si ay xulalku u ciyaaraan waxa la soo saaray 10-ka xiddig ee ugu fiican 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ah xiddiga ugu fiican 5-ta horyaal ee ugu waaweyn isaga oo helay dhibco 22,881 ah kulamadii uu kooxdiisa u ciyaaray.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo haysta dhibco dhan 20,640 halka uu kaalinta 3-aad ku jiro xiddiga Erling Haaland kaas oo helay 19,164 dhibcood.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*