WARBIXIN: 10-ka Xiddig Ee Khadka Dhexe Ee Ugu Fiican Premier League Ilaa Haatan Oo La Soo Saaray.

Kaliya waxa la ciyaaray 7 kulan oo premier League ah iyada oo haatanba kooxo isku muujiyeen in ay yihiin kuwa u tartami doona horyaalka xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Man City ayaa ah kooxaha muujiyay tayo ay ugu tartami karaan horyaalka xilli ay kooxaha kale baacsan doonaan 3-daas kooxood.

Waxa si weyn loo hadal hayaa xiddigaha ka ciyaara weerarka ee ay ugu horeeyaan Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah kuwaas oo ku jira gool dhalin cajiib ah.

Laakiin xiddigaha khadka dhexe ayaa ah xiddigaha wada ciyaarta kubada cagta waxana jira xiddigo haatanba is muujiyay soona bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddigo khadka dhexe ka ciyaara ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican waxana ay adduunka tusayaan in khadka dhexe yahay meesha laga maamulo ciyaaraha kubada cagta.

Wargayska Mirror ayaa soo saaray 10-ka xiddig ee khadka dhexe ee ugu fiican ilaa haatan xilli ciyaareedka premier League oo la ciyaaray muddo 2 bilood ah.

  1. Bernardo Silva, Manchester City
  2. Jack Grealish, Manchester City
  3. Paul Pogba, Manchester United
  4. Curtis Jones, Liverpool
  5. Mason Mount, Chelsea
  6. Declan Rice, West Ham
  7. Mateo Kovacic, Chelsea
  8. Abdoulaye Doucouré, Everton
  9. Youri Tielemans, Leicester City
  10. Conor Gallagher, Crystal Palace

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*