WARBIXIN: 10-Ka Xiddig Ee Bishooda Ugu Horaysa Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Bisha Premier League Oo La Shaaciyay.

Xiddiga kooxda Man City ee Erling Haaland ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League bishii August kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Haaland ayaa dhaliyay 9 gool 5-tii kulan ee uu ciyaaray bishii ugu horyasay ee horyaalka premier Legaue ee bishii August isaga oo ka yaabsaday dadka xiiseeya horyaalka premier League.

Xiddiga reer Norway ayaa isku qoray taariikhda kadib markii uu abaalmarinta ku guulaystay xiddiga ugu fiican bishiisii ugu horaysay horyaalka premier League.

Haaland ayaa ku biiray Liiska 9 xiddig oo taariikhda ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League bishiisa ugu horaysa.

Hadaba halkan Hoose Kaga Bogo 10-ka xiddig ee taariikhda premier Legaue bisha ugu horaysa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican.

Jurgen Klinsmann – Tottenham (August 1994)

David Ginola – Newcastle (August 1995)

Patrik Berger – Liverpool (August 1996)

Robbie Keane – Coventry (August 1999)

Diego Costa – Chelsea (August 2014)

Andre Ayew – Swansea (August 2015)

Anthony Martial – Manchester United (September 2015)

Teamu Pukki – Norwich (August 2019)

Bruno Fernandes – Manchester United (January 2020)

Erling Haaland – Manchester City (August 2022)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*