WARBIXIN: 10-Ka Saxiix Ee Ugu Qaalisan Taariikhda Suuqa Kala Iibsiga Kadib Markii Uu Grealish 100 Milyan Ugu Biiray Man City.

Kadib xagaag muddo dheer la hadal hayay Jack Grealish ayaa ugu dambayn si Rasmi ah u noqday xiddiga ugu qaalisan kubada cagta Britain kadib markii ay Man City 100 milyan ka bixisay kabtanka Aston Villa.

Kooxda Pep Guardiola ayaa ka mid ah kooxaha kaliya ee adduunka leh awooda ay kula saxiixan kartay xiddiga 25 jirka ah ee Aston Villa u ciyaarayay tan ilaa markii uu 25 jirka ahaa.

Xiddiga Jack Grealish ayaa qaatay No.10 oo uu ka tagay xiddiga Sergio Aguero oo Halyeey ka ah kooxda Man City.

Xiddiga Grealish ayaa isku qoray taariikhda suuqa kala iibsiga isaga oo sidoo kale ka mid noqday 10-ka xiddig ee ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 10-ka saxiix ee ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga:

1 – Neymar – Barcelona -> Paris Saint-Germain ( £198m):

Xiddiga reer Brazil ayaa dhigay rikoodh ay adagtahay in uu xiddig kale ka jabiyo suuqa muddo dhaw kadib markii uu noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda heshiis muran badan dhaliyayna ugu biiray kooxda PSG kana tagay kooxda Barcelona.

2 – Kylian Mbappe – Monaco -> Paris Saint-Germain (£163m)

Xiddiga Mbappe ayaa dhankiisa ku jira kaalinta 1-aad kadib markii uu lacag dhan 180 milyan ugu biiray kooxda PSG hal sano kadib markii ay Kooxda reer France baanka u jabisay Neymar, iyada oo uu xiddigu markii hore amaah ugu biiray kooxda ka hor inta uuna si toos ah ugu biirin xagaagii xigay.

3 – Philippe Coutinho – Liverpool -> Barcelona (£105-£142m)

Kooxda Barcelona ayaa dhankeeda baanka u jabisay saxiixa xiddiga Philipe Coutinho kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Liverpool waliba kooxda ka caawiyay in ay gaadho guulo badan, Liverpool aya wax walba u samaysay in ay sii haysato xiddiga laakiin lacagta ayaa ku noqotay mid ay adagtahay in ay diido iyaga oo lacagtaas u adeegsaday in ay ku dhisaan kooxdii koobabka ku guulaystay.

4 – Joao Felix – Benfica -> Atletico Madrid (£114m)

Wali kaliya waa 21 jir hadana Felix ayaa dusha ku wata qiimo aad u sareeya isaga oo lacag badan ugu biiray kooxda ku guulaystay horyaalka La Liga ee Atletic madrid xagaagii 2019 isaga oo noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda Atletico Madrid.

5 – Antoine Griezmann – Atletico Madrid -> Barcelona (£107m)

Barcelona oo raadinaysa badalka Neymar ayaa mar kale baanka u jabisay xiddiga Griezmann Kaas oo ay kala wareegtay kooxda Atletico Madrid kuwaas oo dhankooda lacag badan kula soo wareegtay badalkiisa.

6 – Ousmane Dembele – Borussia Dortmund -> Barcelona (£ 105m)

7 – Eden Hazard – Chelsea -> Real Madrid (£103m)

8 – Jack Grealish – Aston Villa -> Manchester City (£100m)

9 – Paul Pogba – Juventus -> Manchester United (£89m)

10 – Gareth Bale – Tottenham Hotspur -> Real Madrid (£86m)

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Quruxda Badan Ee Ayna Dumarku Ka Baxsadaan Xitaa Quruxdiisa, Iska Baadh Sifooyinkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*