WARBIXIN: 10-ka Saxiix Ee Ugu Qaalisan Taariikhda Suuqa Janaury Ee Premier Leageu Oo La Soo Saaray.

Suuqa January ayaa la filayaa in uu noqdo mid aad u dagan iyada oo aan la filayn in ay kooxaha waaweyn sameeyaan saxiixyo waaweyn bishan.

Laakiin taariikhda ayaa inoo sheegaysa in ay dhici karaan dhawr saxiix oo lama filaan ah wakhtiga soo socda ka hor inta uuna xidhmin suuqu.

Man United ayaa suuqii January ee sanadkii hore baanka u jabisay saxiixa xiddiga Bruno Fernandes iyaga oo kula soo saxiixday lacag dhan 46 milyan oo euro.

Arsenal ayaa sidoo kale suuqa January lacag badan galisay iyada oo sanadihii la soo dhaafay la soo saxiixatay xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang & Andrei Arshavin.

Wargayska The Sun ayaa sheegay in xididga Man United ee Bruno Fernandes yahay saxiixa ugu fiican taariikhda suuqa January ee premier League.

Xiddiga khadka dhexe ayaa dhaliyay 8 gool sidoo kale caawiye ka noqday 7 kale 14-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Xiddiga ayaa United ka caawiyay in ay kaalinta 3-aad ku dhamaystay xilli ciyaareedkii hore soona bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Daniel Sturridge ayaa sido kale ku jira liiska xiddigaha ugu fiican taariikhda suuqa January ee Premier League.

Xiddiga reer England eee Daniel Sturridge ayaa dhaliyay 10 gool iyo 5 caawin qaybtiisii ugu horaysay ee kooxda Liverpool.

Xiddiga Papiss Demba Cisse ayaa ah xiddiga 3-aad kadib markii uu ku biiray kooxda Newcastle waliba qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay qaybtii dambe ee xilli ciyaareeda.

Xiddiga ayaa dhaliyay 12 gool sidoo kale caawiye ka noqday 14-kii kulan ee uu u ciyaaray kooxda Newcastle qaybtii hore.

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Arshavin ayaa ku jira kaalinta 4-aad isaga oo Arsenal ku soo biiray suuqii January 2009 waliba qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Arshavin ayaa kooxda Arsenal u dhaliyay 8 gool iyo 6 caawin 12 kulan oo uu u ciyaaray markii uu ku biiray Gunners suuqii January qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkaas.

Ku Biiristii Darren Bent ee kooxda Aston Villa ayaa ku jira waxana ku xiga xiddiga kooxda Man City ee Gabriel Jesus kaas oo suuqii January 2017 ku biiray Man City.

Xiddiga kooxda Arsenal ee Aubameyang ayaa ku jira kaalinta 7-aad kadib markii uu 10 gool u dhaliyay 4 kalena caawiye ka noqday 13 kulan oo uu u ciyaaray Gunners qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii uu ku soo biiray kooxda.

Ku biiristii xiddiga Nikica Jelavic ee kooxda Everton ayaa ku jira kaalinta 8-aad halka uu Andy Cole ku jiro kadib markii uu ku biiray kooxda Blackburn Rovers iyada oo uu ugu dambeeyo xiddiga Nacho Monreal oo Arsenal ku biiray Sanadkii 2013.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uuna Gacaliyahaag Waligaa Kaa Tagin, 3-dan Arin Ayaad Ku Dagi Kartaa Qalbigiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*