WARBIXIN: 10-ka Saxiix Ee Ugu Fiican Premier League Suuqa January.

Suuqa January ayaa ah mid ayna jeclayn tababarayaasha iyo waliba kooxaha marka loo bar-bar dhigo suuqa xagaaga oo ah mid ka xiiso badan January.

Hadana waxa jira saxiixyo waaweyn oo ay kooxaha kala duwan sameeyeen suuqa January taariikhda iyada oo suuqa January la sameeyay xiddigo badan oo waaweyn.

Hadaba waxba aan halkan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada ugu fiican ee ay kooxaha premier League sameeyeen:

1) Nemanja Vidic:

Saxiixa ugu fiican ee suuqa January taariikhda, Vidic ayaa ahaa mid aan caan ahayn ama aan magac weyn u lahayd kubada cagta markii ay Man United 2006-kii kala soo wareegtay kooxda Spartak Moscow isaga oo 7 milyan ugu soo biiray kooxda kana mid noqday daafaca yada ugu fiican adduunka iyo premier League.

2) Virgil van Dijk:

Kooxda Liverpool ayaa suuqii January ee 2018 la soo wareegtay xiddiga Van Dijk kaas oo ay ka soo bixisay lacag dhan 75 milyan oo euro waxana uu kooxda kula guulaystay Reds champions league iyo premier Leagu, waxana haatan lagu qiimeeyaa daafaca ugu fiican adduunka.

3) Bruno Fernandes:

Xiddiga reer Portugal ayaa Man United ku soo biiray suuqii January ee sanadkii 2021 waxana uu saamayn weyn ku yeeshay kooxda Man United isaga oo ka dhigay koox fiican walia kaligiis dhabarka saartay kooxda Man United waliba geeyay Final-ka Europa League.

4) Luis Suarez:

Sanad ka hor intii ayna Liverpool la soo saxiixan Coutinho, Liverpool ayaa la soo saxiixatay xiddigaha Andy Carroll & Suare kadib markii ay lumiyeen Fernando Torres, Suarez ayaana Halyeey ka noqday kooxda isaga oo kooxda ka caawiyay in ay u tartamaan horyaalka premier League ka hor intii ayna kulamadii ugu dambeeyay iska umin fursada.

5) Philippe Coutinho:

Liverpool ayaa 8.5 milyan ka bixisay Coutinho suuqii January ee 2013 waxana uu ka mid noqday xiddigaha ugu fiican ee ay kooxdu samaysay taariikhda suuqa January waxana uu kooxda u noqday xiddig laf dhabar ah.

6) Patrice Evra

7) Branislav Ivanovic

8) Nemanja Matic (Chelsea)

9) Seamus Coleman

10) Jesse Lingard (West Ham)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*