WARBIXIN:Sane, Hakimi, Arthur, Pjanić & Saxiixyada Haatanba La Dhamaystiray Ka Hor Furitaanka Suuqa Xagaaga

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaan wali furmin xilli aan wali la gaadhin bishii uu sida Rasmi ah u furmi jiray suuqa xagaaga ee sanad walba.

Kubada cagta ayaa dib u bilaabatay kadib 3 bilood oo aan la ciyaarin sabab la xidhiidha xanuunka Korona waxana ay chelsea haatan ku dhawaaqday saxiixa Timo Werner.

Kooxaha kala duwan ayaa la heshiiyay kooxaha kale si ay u helaan saxiixa xiddigooda iyaga oo wax walba ka heshiiyay kaliyana haatan dhimantahay in uu xiddigaas xidho maaliyada kooxdiisa cusub.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada ilaa haatan dhaca suuqa kala iibsiga.

1.Hakim ZIyech:

Advertisements

Xiddiga reer Morocco ayaa 40 milyan oo euro ugu soo biiray kooxda chelsea waxana uu haatan sugayaa kaliya dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu ugu biiro kooxda Chelsea xagaaga.

2.Francisco Trincao:

Kooxda Barcelona ayaa xiddiga 21 jirka ah ee reer Portugal ka soo bixisay lacag dhan 30 milyan oo euro waxana uu sidoo kale sugayaa in uu ka dago Camp Nou kadib markii uu dhamaystiray heshiiskiisa.

3.Andrea Petagna:

Kooxda Napoli ayaa xiddiga Andrea Petagna oo ka ciyaara weerarka ka soo bixisay lacag dhan 17 milyan oo euro waxana uu si Rasmi ah ugu soo biiri doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan gaar ahaan 30 bisha June.

4.Pedir:

Waa xiddig da’yar ah oo ay Barcelona ka bixisay lacag dhan 6.5 milyan waana xiddigii 2-aad ee ay Barcelona dhamaystirtay saxiixiisa inkasta oo aan wali la gaadhin suuqii xagaaga.

5.Alexander Nübel:

Bayern Munich ayaa Goolhayaha reer Germany ee Alexander Nübel kula wareegtay heshiiska xorta ah waxana uu ku biiri doonaan kooxda hogaaminaysa Bundesliga dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa Schalke.

6.Dejan Kulusevski:

Kooxda Juventus ayaa xiddiga khadka dhexe ee 19 jirka ah ka bixisay lacag dhan 35 milyan oo euro waxana ay kaliya haatan sugaysaa dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay xidiga ugu soo dhawayso kooxdiisa cusub.

7.Amir Rrahmani:

Daafacan 26 jirka ah ayaa kooxda Napoli ugu biiray lacag dhan 14 milyan oo euro waana saxiixii 2-aad ee ay Kooxda reer Italy dhamaystirtay xitaa ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga.

8.Timo Werner:

Kooxda chelsea ayaa Timo Werner ka dhigtay saxiixeedii 2-aad ka hor inta uuna furmin suuqa kala iibsiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa ogolaaday in uu ku biiro Blues waxana uu inta ka dhiman xilli ciyaareedkan sii joogi doonaa kooxdiisa waxana uu kooxda Blues ku soo biiri doonaa bisha July isaga oo mari doona caafimaadka.

9.Arthur Melo:

Xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ayaa noqday xiddig kooxda Juventus ah kadib markii ay kooxdu si Rasmi ah shalay ugu dhawaaqday saxiixiisa.

Xiddiga ayaa ka mid ahaa heshiis is dhaafsi ah oo ay Juventus la samaysay kooxda Baarcelona kuwaas oo dhankooda helay xiddiga Miralem Pjanić.

10.Miralem Pjanić:

Xiddiga reer Bosnia ayaa dhankiisa noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay kooxda Barcelona samayso suuqa xagaaga ka hor inta aanu furmin.

Barcelona ayaa xiddiga Miralem Pjanić ku badalatay xididga reer Brazil ee Arthur Melo waxana ay ka saxiixatay heshiis 4 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono

11.Achraf Hakimi:

Inter Milan ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Achraf Hakimi kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Real Madrid heshiis ku kacaya 45 milyan oo euro.

Kooxda ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu xiddiga 31 jirka ah qalinka ku duugay heshiis wakhti dheer ah oo uu kooxda kula sii joogi doono ilaa xagaaga 2025.

12.Leory Sane:

Kooxda Bayern Munich ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Leroy Sane kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Man City.

Xiddiga reer Germany ee Leroy Sane ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku sii joogi doono kooxda ilaa xagaaga 2025.

Bayern Munich ayaa xiddiga ka soo bixisay lacag dhan 50 milyan oo euro iyaga oo ugu dambayn helay saxiixa xiddiga kadib muddo ay ku raad joogeen.

13.Ever Banega -> Al Shabab

14.Josep Martinez -> RB Leipzig

15.Pedrinho -> Benfica

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*