Warar Ka Cusub Isku Dayga Barcelona ee Heshiis Kordhinta Xiddigaha Ansu Fati & Ousmane Dembele

Kooxda Barcelona ayaa ku dhibaatoonaysa in ay xiddigo muhiim ah ka saxiixato heshiis cusub sida ay sheegayaan wararku.

Koxda ayaa ku dhibaatoonaysa dhninaca dhaqaalaha taas oo ku adkaynaysa dhinaca heshiis kordhinta xiddiigaha heshiiskoodu dhici doono xagaaga dambe.

Sergi Roberto, Ansu Fati iyo Ousmane Dembele ayaa ka mid ah xiddigahaas iyada oo kooxdu doonayso in ay ku sii hayso wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay wadahadaladii joogsadeen maalmihii ugu dambeeyay taas oo keenaysa in ay xiddigaha qaar xor ah ku waydo wakhtiga soo socda.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddigaha Fati iyo Dembele kuwaas oo ay u aragto xiddigo mustaqbal ku leh kooxda iyo guud ahaan kubada cagta.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*