WAR XUN: Xiddig Real Madrid U Ciyaara Oo La Xaqiijiyay In Uu Seegi Doono Kulanka Chelsea.

Daafaca kooxda Real Madrid ee Raphael Varane ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawac ku seegi doono kulanka lugta 2-aad ee Semi-final-ka champions League ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto chelsea sabab la xidhiidha dhaawac muruqa ah.

Xiddiga reer France ayaa ku qasbanaaday in uu ka boxo kulankii Osasuna ee horyaalka La Liga kadib markii uu xanuunka dambeemay muruqa waxana haatan la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka chelsea.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Zinendine Zidane kaas oo haatanba dhaawac ku waayay xiddigaha Lucas Vazquez & Dani Carvajal halka uu sidoo kale shaki ku jiro taam ahaanshaha xiddigaha Sergio Ramos iyo Ferland Mendy.

Dhaawaca Varane ee Real Madrid ayaa yimid wakhtigii ugu xumaa marka la eego in ay kooxdu ku jirto wakhti xasaasi ah una tartamayso horyaalka La Liga iyo waliba champions league.

Xiddiga Varane ayaa muhiim ka ahaa kooxda Zidane xilli ciyaareedkan isaga oo kooxda u ciyaaray kulamo badan oo muhiim ah waliba door weyn ka qaatay tartanka ay kooxdiisu ugu jirto Tartamada kala duwan.

Sii Akhriso: Waa Maxay Jacaylka Shuruudaha Leh & Jacaylka Shuruud La’aanta Ah & Farqiga U Dhexeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*