War Dhamaaday : Arinta Mbappe Gees Ayay U Dhacday Xilli Tababare Pochettino Uu Ka Hadlay Waxa Jira

Weli kalama cadda mustaqbalka Mbappe ee PSG ,waxaana shakiga sii xoojiyay tababaraha kooxdaas ee Mauricio Pochettino .

Hishiskas laacibaas ayaa dhacaya 30-ka June waxa ayna PSG dadaal ku bixinayaan in hishiis cusub ka saxiixdaan balse laacibka ayaa diidan xilli Real Madrid si weyn loola xariirinayo .

Macalin Mauricio Pochettino ayaa haatan qiray in wax fikrad ah ka haysan xaaladda laacibka ” ma aqaan go`aanka Kylian Mbappé , waa arin shaqsiyadeed oo u dhaxeeysa isaga iyo kooxda”.

” Hishiiskiisa wa dhamaad, warar badan ayaa la xariira halka xili ciyaareedka dambe uu ka ciyaarayo , sidaas oo ay tahay arintaas kooxda ayay u taal sida ula macaamileyso” ayuu yiri macalinka PSG

“Shaqsiyan waxaan rajeynayaa in Kylian Mbappé sanado badan sii joogo PSG , balse ma rabo in aan been sheego oo ma aqaan waxa dhacaaya, aan sugno go`aanka laacibka uu qaato maalmaha soo socda” ayuu yiri Mauricio Pochettino

Arintaan ayaa imaaneysa xilli la xusayo in laacibka hishiis shaqsiyadeed uu la gaaray Real Madrid uuna ku biirayo kooxdaas xagaaga