War Cusub Oo Ka Soo Baxay Xaalada Lionel Messi Ka Hor Kulanka Man City.

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in la filayo inuu taam u noqdo kulanka Champions League ee Paris Saint-Germain ay la ciyaari doonto Manchester City Talaadada.

34 jirkaan ayaa laga saaray Lyon horaantii bishaan ka dib markii uu jilibka ka dhaawacmay kulamadii ay PSG ka badisay kooxaha Metz iyo Montpellier HSC ee horyaalka France.

Waxaa jiray cabsi ah in Messi laga yaabo inuu dhowr toddobaad garoomada ka maqnaado laakiin ayaa heshay war fiican maadama uu weeraryahanku taam noqon karo kulanka Man City.

Isagoo la hadlayay saxaafada tababare Mauricio Pochettino ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay fursadaha Messi ee kulanka Man City waxana uu yidhi”Wuxuu bilaabay inuu mar kale ordo, waxaan rajeyneynaa in horumarku uu noqon doono sida aan rajeyneyno”.

Ma jirtaa fursad lagu arki karo isagoo ciyaaraya kulanka Manchester City? “Haa waan rajaynaynaa, waa in aan taxadar muujino, waan eegi doonaa sida ay xaaladiisu noqoto maalmaha soo socda”.

Sii Akhriso: Ma Dhacdaa In Uu Nin Kuu Yeedho “Quruxleyda”, Waliba Mar Walba Ma Adeegsadaa Kalmadaas, Hadaba Halkan Kaga Bogo Waxa Uu Uga Jeedo & Macnaha Ay Leedahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*