War Cusub Oo Ka Soo Baxay Ka Tagistii Granit Xhaka Ee Arsenal

Xiddiga Granit Xhaka ayaa u muuqda mid iska sii joogi doona kooxda Arsenal kadib markii uu bur-buray heshiiskii uu ugu biirayay kooxda Roma maadama ayna kooxda reer Italy diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta ay Arsenal dalbanayso.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa qarka u saarnaa in uu Roma kula biiro Jose Mourinho iyada oo uu xiddigu aqbalay in uu hoos u dhigo mushaharka uu ka qaato Arsenal.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Il Tempo, waxa si Rasmi ah u istaagay wax walba oo ku saabsanaa heshiiska iyada oo ayna Roma aqbalin lacagta ay Arsenal doonayso in ay ku iibinayso xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Arsenal dul dhigtay xiddiga lacag dhan 20 milyan oo euro taas oo ah mid ay diidantahay kooxda Roma in ay bixiso si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Xhaka ayaa dhankiisa diyaar u ah in uu ka tago kooxda Arsenal suuqa xagaagan isaga oo doonaya gaar ahaan in uu ku biiro kooxda Roma oo uu haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6-da Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Ku Soo Jiidan Kartid Dareenka Wiilka Aad Ka Heshay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*