War Cusub Oo Ka Soo Baxay Heshiiska Is Dhaafsiga Ah Ee Ay Barcelona & Atletico Madrid Isku Dhaafsanayaan Xiddigaha Antoine Griezmann & Saul Niguez.

Kooxda Barcelona ayaa gabi ahaan ka baxday wadahaladii heshiis kordhinta ahaa ee ay kula jirtay kooxda Atletico Madrid kuna doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Saul Niguez sida ay sheegayaan wararku.

Todobaadyadii ugu dambeeyay kooxaha Atletico Madrid iyo Barcelona ayaa ku jiray wadahadalo ay ku doonayeen in ay isku dhaafsadaan labada xiddig eeWar Cusub Oo Ka Soo Baxay Heshiiska Is Dhaafsiga Ah Ee Ay Barcelona & Atletico Madrid Isku Dhaafsanayaan Xiddigaha Antoine Griezmann & Saul Niguez.

Saxafiga reer Spain ee Alfredo Martínez ayaa sheegay in ay kooxda Barcelona gabi ahaan ka baxday wadahaladii ay kula jirtay kooxda Atletico Madrid ee is dhaafsiga ahaa.

Alfredo Martínez ayaa sheegay in ayna Barcelona u arkin is dhaafsiga labada xiddig mid iyaga faa’iido u ah hadii ayna kooxda Atletico Madrid lacag raacin Xiddiga Sual Niguez.

Sidoo kale xiddiga Sual Niguez ayaa diiday in uu hoos u dhigo 50% mushaharkiisa uu haatan ka qaato Atletico Madrid maadama ay kooxdu haatanba dhimayso mushaharka ay siiso xiddigeheeda.

Sii Akhriso: Ma Jirtaa In Aad Kala Fogtihiin Qofka Aad Jeceshahay, Ma Doonaysaa In Aad Jacaylkiina Noolaysiin, 6-dan Wad Ayaa Kaa Caawinaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*