WAR CAD: Xiddigaha Barcelona Oo Lumiyay Kalsoonidii Ay Ku Qabeen Tababare Quique Setien

Tababaraha kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa lagu soo waramayaa in uu u dagaalamayo shaqadiisa kooxda Barcelona kadib markii ay xiddigaha qolka Labisku lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen.

Kooxda Barcelona ayaa kaliya 11 dhibcood ka heshay 5 kulan tan ilaa markii uu xilli ciyaareedka La Liga dib u bilowday iyaga oo aan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican 4-tii kulan ee ugu dambeeyay taas oo keentay in ay Real Madrid ka faa’iidaysato tartanka horyaalka.

Kadib markii ay bar-baro la galeen kooxda Celta Vigo wargayska MARCA ayaa sheegaya in xidhiidhkii tababaraha iyo xiddigaha Barcelona gabi ahaan bur-buray.

Wararka ayaa sheegaya in inta badan ee xiddigaha kooxdu ayna haatanba dhag jalaq u siin tilmaamaha Quique Setien taas oo keentay in uu caawiyihiisa ee Eder Sarabia xiddigaha la hadlo qaybta Nasashada.

Tababarihii hore ee kooxda Real Betis ayaa loo magacaabay tababaraha Barcelona bishii January kadib markii ay kooxdu shaqada ka caydhisay Ernesto Valverde.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*