Bruno Fernandes ayaa oggolaaday inuu ka tago Manchester United, isagoo shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu u wareego Spain, Italy ama Portugal.
Kabtanka Red Devils-ka ayaa mustaqbalkiisa geliyay shaki weyn maalmahan u dambeeyay.
Wareysi uu la yeeshay warbaahinta Portugal intii lagu jiray fasaxii caalamiga ahaa ee dhawaan la soo dhaafay ayaa la sii daayay maalmo ka hor, kaas oo uu ku muujiyay hadallo si gaar ah u toos ah.
Wareysigaas dhexdiisa, Fernandes wuxuu qirtay inuu dareemayay in xagaagii lagu riixayay inuu ka tago kooxda, inkastoo ugu dambayn uu sii joogay.
Qoraal kale oo la sii daayay, ciyaaryahanka 31 jirka ah ayaa xaqiijiyay halka uu u wareegi lahaa haddii uu ka tago Old Trafford. Isagoo la hadlayay Canal 11, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal ayaa yiri: “Waxaan doonayaa inaan sii joogo Manchester United inta aan dareemayo in la i rabo.”
“Waxa aan jecelahay in aan ka ciyaaro horyaalka Spain una dagaalamo koobab waaweyn sidoo kale waxa aan xidhiidho badan ku leeyahay Talyaaniga gabadhayda yar ayaana ku dhalatay halkaas”.
“Horay ayaan uga fikiray inaan ku laabto Portugal… xulashada koowaad waa in aan ku laabto Sporting, Si aan u faraxsanaado, sida ay ahayd markii aan Sporting joogay. Laakiin ma doonayo inaan burburiyo sumcaddii halkaas ka hartay.”
Be the first to comment