War Cad : Aabaha Aubameyang Oo Dab Ku Shiday Mustaqbalka Laacibka Ee Arsenal , Xog Ayuu Bixiyay.

Aaabaha dhalay xiddiga Arsenal ee Aubameyang ayaa saadaalin weyn ka bixiyay mustaqbalka laacibka ee qalcadda Emarates .

Arsenal iyo Aubameyang ayaan weli isla meel dhigin arinta hishiis kordhinta xilli midkiisa haatan uu dhamaanayo xagaaga 2021-da

Haatan aabihiisa ayaa mustaqbalka daahsoon ee wiilkiisa ku sii shiday dab ka dib qoraal sarbeeb ah ee uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka

Ka dib markii ay soo dhamaadeen kulamadii ugu dambeeyay horyaalka waliba Arsenal ku soo afjareen guul ayuu aabaha Aubameyang soo qoray” hambalyo wiilkeyga , dhab ahaantii waxaa tahay gool dhaliye , xili ciyaareed waliba arintaas waad muujisaa , wax kale aan sheego ma hayo oo aan aheyn in aan ku hambalyeeyo mooyee”

Waxa uu intaas sii raaciyay” waxaa qasab ah in aan qaadanno go`aan saxan oo ku aadan inta ka harsan aayahaaga kubadda cagta , saxaafadda wax waliba ayay qoreysaa balse ma oga in aan ka soo jeedno qabiilka Banto ee ah qabaa`ilada ugu weyn Africa kuwaas oo go`aanada ay qaataan la kaashada qoyska iyo beesha ”

Intaas kuma joojin ” dhawaan aad ayaan u farxeynaa , nabad iigu seexo waan ku jeclahay”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*