“Wan Garaaci Karnaa England”

Kabtanka Slovakia Milan Skriniar ayaa aaminsan in xulkiisu ay samayn karto lama filaan weyn Euro 2024 ayna garaaci karto England wareega 16ka.

Kulamada wareega 16-ka ayaa bilaabmi doona Sabtida iyada oo xulka England la ciyaari doono xulka Slovakia Axada.

Dhinaca qiimaynta, xulka England ayaa ugu cad-cad in ay garaacaan xulka Slovakia laakiin xulka Saddexda Libaax ayaa si weyn u dhibaatoonayay kulamadii wareega Group-yada.

Slovakia ayaa dhinaca kale ku jirtay qaab ciyaareed fiican iyaga oo ka badiyay Belguim isla markaas si fiicana u ciyaaray.

Marka hore, daafaca dhexe ee PSG ayaa sheegay in cadaadiska dibadda ee England uu keeni karo inay burburaan: “Xitaa ciyaartii ugu horeysay [1-0 ay kaga badiyeen Serbia] si fiican uma ciyaarin kaliya waxa ay heleen natiijada”.

“Saxaafadda iyo taageerayaashu [waxay ahaayeen kuwo dhaleeceeyay] ciyaarahooda, sidaas darteed waxay la kulmi doonaan cadaadis aad uga badan annaga taasina faa’iido ayay noo tahay anaga”.

“Fikradayda, waxay ku tiirsan yihiin tayada shaqsiga ah, waxayna og yihiin inay haystaan ​​ciyaartoy go’aamin kara kulammada”ayuu sii raaciyay.

“aasi waa sababta aan u malaynayo in aan iyaga garaaci karno”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga