
Walaalka la dhashay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ku dhaleeceeyay in uu xiddiga reer Gabon ka ciyaarsiiyo garabka Bidix ee weerarka.
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 22 gool 37 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.
Laakiin Unai Emery iyo Mikel Arteta ayaa xiddiga 31 jirka ah ka ciyaarsiiya garabka 3-da weeraryahan halkii laga ciyaarsiin lahaa weerarka tooska ah.
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa qirtay in uu jecelyahay in uu ka ciyaaro weerarka tooska ah walaalkii ayaana haatan banaanka soo dhigay dareenka xididga una sheegay Arteta.
Willy Aubameyang ayaa Instagram-ka ku yidhi”Waan jecelahay Mikel, waa tababare fiican”.
“Waa tababare fiican laakiin marka uu walaalkay garabka bidix ka ciyaarsiiyo ma jeceli arintaas”.
“Ma jeceli in uu ka ciyaaro garabka weerarka waxa aan jecelahay in uu ka ciyaaro weerarka tooska ah”ayuu yidhi
Be the first to comment