WAL-WAL: Lionel Messi Oo Seegay Tababarka Barcelona 2 Maalin Ka Hor Kulanka Bayern Munich.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu seegay tababarkii Axadii ee kooxdiisa sabab la xidhiidha dhaawac lugta ah oo soo gaadhay kulankii wareega 16-ka champions league ee ay guusha ka gaadhay Napoli.

Xiddiga 6-da jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or  oo dhaliyay goolka 2-aad ayaa dhaawacmay kadib markii rikoodhe lagu galay qaybtii hore ee ciyaarta.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa dhamaystay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta inkasta oo uu dhaawac kala kulmay daafaca Kalidou Koulibaly.

Idaacada Cope ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Argentine Seegay tababarkii Axadii laakiin sababta uu u sheegay u ahayd taxadar loo muujinayo dhaawaciisa.

Barcelona ayaa wajihi doonta Bayern Munich jimcaha waxana la filayaa in uu Messi ka qayb qaato kulankaas xilli ay Barcelona doonayso in ay iska xaadiriso Semi-final-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*