Wakiilka Xiddig U Ciyaara Arsenal Oo Xaqiijiyay In Uu Ku Dhawyahay Ku Biirista Barcelona.

Wakiilka Shkodran Mustafi ayaa umuuqda inuu xaqiijiyay in wadahadalo uu wadahadalo la qaatay kooxda Barcelona si uu daafacu ugu biiro kooxda reer Spain suuqa January.

Xiddiga 28 jirka ah ee reer Germnay ayaan wali ku bilaaban wax kulan ah premier League xilli ciyaareedkan heshiiskiisa ayaana dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan

Waxa la fahamsanyahay in uu Mustafi iska diiday heshiis cusub waxana uu ku biiri doonaa kooxda Ronald Koeman ee Barcelona.

Wakiilka Mustafi ayaa lagu arkay magaalada Barcelona taas oo keentay in al waydiiyo sababta ka dambaysa booqashadiisa magaalada Barcelona.

Wakiilka Mustafi oo la hadlaya Spox ayaa yidhi”Waxa aan halkan u joogaa Shkodran Mustafi”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*