Wakiilka Victor Osimhen Oo Ka Jawaabay Wararka Xiddiga La Xidhiidhinaya Chelsea.

Wakiilka Victor Osimhen ayaa ka jawaabay wararka sheegaya in weeraryahanka Napoli uu ku biiri doono kooxda Chelsea si uu qeyb uga noqdo heshiis is dhaafsi ah oo uu ku lug leeyahay Romelu Lukaku.

Napoli ayaa ogolaatay in Osimhen uu ka tago xagaagan laakiin madaxweynahooda Aurelio de Laurentiis, ayaa doonaya in ay ku iibiso lacag dhan 130 milyan oo euro oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Chelsea, Arsenal iyo Paris Saint-Germain ayaa dhamaantood diiwaan galiyay xiisahooda laakiin dhamaantood ma doonayaan in ay bixiyaan lacag ay Napoli doonayso.

Waxa soo baxay warar sheegaya in uu xiddiga reer Nigeria heshiis is dhaafsi ah ugu biiri doono chelsea iyada oo Lukaku u dhaqaaqi doono dhinaca Napoli.

Si kastaba ha ahaatee, wakiilka Osimhen, Roberto Calenda, ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in weeraryahanka Nigeria uu ku bixi doono qiimo dhimis.

“Waan akhriyey wax ku saabsan, wararka beenta ah ee ku saabsan Osimhen”Ayuu yidhi.

“Osimhen Waa xiddiga ugu goolasha badan horyaalka Sarie A xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah”.

“Ixtiraam ha loo muujiyo weeraryahanka Halana joojiyo warka beenta ah”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga