Wakiilka Romelu Lukaku Oo Fariin U Diray Chelsea.

Chelsea ayaa la kulantay dharbaaxo rajadooda ku aadan saxiixa Romelu Lukaku iyadoo wakiilka weeraryahanka uu muujiyay in Inter aysan qorsheyneynin inay iibiso xagaagan.

Xiddiga reer Belguim ayaa ku jira liiska xiddigaha diirada u saaran kooxda chelsea iyada oo uu Thomas Tuchel doonayo in weeraryahanka cusub keeno ka hor dhamaadk suuqa xagaagan.

Erling Haaland ayaa ah bartilmaameedka chelsea laakiin Dortmund ayaa diidan in ay iibiso xiddiga iyaga oo ku adkaysanaya in uu sii joogayo xiddigu xagaagan.

Iyada oo ay chelsea ku dhibaatoonayso in ay hesho Haaland waxa ay ka fiirsanaysaa in ay hesho saxiixa xiddig Romalu Lukaku kaas oo ay ku iibisay 28 milyan sanadkii 2014.

Haatan wakiilka Lukaku ee Federico Pastorello oo la kulmay maamulka Inter Milan todobaadkan ayaa sheegay in ayna kooxda Inter Milan iibin doonin xiddiga reer Belguim xagaagan.

“Waxa aan la kulmay maamulka kooxda waxana aan ka hadlnay xaalado kala duwan”ayuu Federico Pastorello yidhi.

Mar la waydiiyay in ay Inter Milan ka dagantahay xaalada Lukaku ayuu yidhi”Haa, Haa, waan hubaa”.

“Romelu Haatan waxa uu ku maqan yahay fasax, umana malaynayo in uu ka tagayo kooxda xagaagan”.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*