Wakiilka Jurgen Klopp Oo Meel Saaray Mustaqbalka Tababaraha Ee Liverpool.

Wakiilka Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa Beeniyay wararka sheegaya in uu Tababaruhu isaga tagi doono kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa Liverpool ku hogaamiyay champions League iyo Premier League laakiin xilli ciyaareedkan kooxda ayaa si weyn u dhibaatoonaysa iyaga oo ku dhaw in ay seegaan champions league xilli ciyaareedka dambe.

Qaab ciyaareedka Liita ee Liverpol ayaa keenay hadal hayn sheegaya in uu Klopp isaga tagi doono kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin wakiilka xiddiga ee Marc Ksickse ayaa beeniyay wararkaas.

Markii wax laga waydiiyay in uu Klopp wali sii hogaamin doono Liverpool xilli ciyaareedka dambe ayuu Kosicke ku jawaabay”Haa dabcan muran kama jiro arintaaas”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*