Wakiilka Jorinho Oo Go’aamiyay Mustaqbalka Xiddiga Ee Chelsea, Maxaa Cusub?

Wakiilka xiddiga khadka dhexe ee Jorginho ayaa xaqiijiyay in uu xiddigu 100% sii joogi doono kooxda chelsea xagaaga inkasta oo ay jiraan warar la xidhiidhinaya ku laabashada horyaalka Italy.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa chelsea u soo raacay Maurizio Sarrii xagaagii 2018 waxana uu xiddig muhiim ah ka noqday tan ilaa markii uu yimid kooxda.

Jorginho ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu Thomas Tuchel yimid kooxda isaga oo ka qayb a qorshaha tababaraha ee kooxda chelsea.

Laakiin Jorginho ayaa lala xidhiidhinayay ku laabashada horyaalka Serie A-da iyada oo ay xiiso u muujiyeen kooxaha Inter Milan, Ac Milan iyo Juventus kuwaas oo dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee wakiilka xiddiga ayaa xaqiijiyay in uu Jorginho sii joogi doono kooxda chelsea xilli ciyaareedka dame waliba uuna meelna uga socon kooxda suuqa xagaaga.

Isaga oo la hadlaya wargayska Tuttomercato ayaa yidhi”Waxa uu Jorginho kooxda kula jiraa heshiis 3 sano ah waxana uu haatan ka fikiryaa ciyaarista tartanka Yurub kadib koobka adduunka”.

“Waxa uu 100% sii joogi doonaa Chelsea”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl Macaan Oo Shukaansi ah Waliba Qalbiga Soo Jiidanayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*