Wakiilka Jorginho Oo Shaki Galiyay Mustaqbalka Xiddiga Ee Chelsea

Wakiilka Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Jorginho ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu xagaaga ka tagayo Xiddiga uu wakiilka u yahay, kaasoo ka caawiyay Italy inay gaaraan finalka Euro 2020 Axada ee ka dhacaya Wembley.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa fure u ahaa chelsea xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 8 gool 43 kulan oo uu ciyaaray tartama oo dhan laakiin heshiiskiisa ayuu ka hadhsanyahay wax ka yar 2 sano.

Joao Santos oo ah wakiilka xiddiga ayaa sheegay in uu doonayo in uu chelsea kala hadlo mustaqbalka xiddiga marka uu xiddigu dhmaysto tartanka Euro 2020.

“Maanta Jorginho waxa lagu qiimeeyaa 50 milyan, hadii ay jiraan koox diyaar ula ah lacagtaas wax walba way is badali karaan, sida iska cad waxa uu gaadhay finalo badan”ayuu santos yidhi.

“Waxa jira koox ila soo xidhiidhay laakiin marka hore waxa aan la hadali doonaa chelsea si aan uga hadalno xaaladiisa kadib tartanka Euro”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*