Wakiilka Gabriel Jesus Oo Kashifay Koox Premier League Ah Oo Isku Dayday In Ay Arsenal Ka Afduubato Saxiixa Xiddiga

Wakiilka saxiixa cusub ee Arsenal Gabriel Jesus ayaa shaaca ka qaaday in Chelsea isku dayday in ay Arsenal ka afduubato saxiixa xiddiga reer Brazil.

Arsenal ayaa 45 milyan kula wareegtay xiddiga Gabriel Jesus iyaga oo kala soo wareegay kooxda Man City.

Arteta ayaa xiddiga 25 jirka ah kula soo shaqeeyay Man City markii uu caawiyaha ka ahaa kooxda ku ciyaarta Etihad Stadium.

Xiddiga Jesus ayaa go’aansaday in uu isaga tago kooxda Man City si uu ugu biiro koox uu si joogto ah ugu ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

Arsenal ayaan ahayn kooxda kaliya ee doonaysa marka la eego hadalka wakiilka xiddiga iyada oo chelsea isku dayday in ay saxiixa xiddiga ka afduubato saxiixa xiddiga.

“Chelsea ayaa ahayd kooxda isku dayday in ay Arsenal ka afduubato saxiixa Jesus”ayuu wakiilka Marcelo Pettinati Yidhi.

“Waxa ay si adag isugu dayeen maalmihii ugu dambeeyay laakiin wakhtigaas Jesus ayaa go’aansaday in uu ku biiro Arsenal”ayuu sii raaciyay.