Wakiilka Erica Bailly Oo Farriin Adag U Diray Tababare Ole Gunner Xilli Ac Milan Ay Heegan Ku Jirto

Wakiilka daafaca Man United ee Eric Bailly ayaa u gacan haatiyay in ay  suura gal tahay in 26 sano jirkaas uu ka huleelo qalcada Old Trafford haddii xaaladiisa kooxda aysan wax iska badalin.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli laacibkaas u dhashay wadanka Ivory Coast lala xariirinayo in uu u wareegayo kooxda AC Milan marka suuqa kala iibsiga January uu  furmo .

Erica Bailly ayaan  u safan wax kulan ah kooxdaas Man United  tan iyo guul daradii 6/1 ee horyaalka ee ay bishii October kala kulmeen kooxda Tottenham .

Wakiilka ayaa ku dooday in talaabo rasmi ah ay qaadi doonaan haddii laacibka uusan ku soo laaban shaxda tababare Ole Gunner ee kooxda Man United .

Wakiilkaas Battisini ayaa ka sheegay wargeyska Calcio Mercato ” fikradda ah in uu  uwareego AC Milan waa suura gal , waxaana haatan qiimeyneynaa waxa iska badala xaaladdiisa”

Waxaa xusid mudan in hishiiska Bailly ee United uu dhacayo xagaaga 2022-ka , waxa uuna kooxdaas uu la soo muuqday 89 kulan  dhamaan tartamada tan yo markii uu u yimid xagaagii 2016-ka .

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*