Wakiilka David Alaba Oo Wadahadalo La Qaatay Koox Premier League.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la qaadatay wakiilka daafaca kooxda Bayern Munich ee David Alaba ka hor suuqa January.

Alaba ayaa iska diiday heshiis cusub oo uu u saxiixay kooxda Bayern Munich waxana uu isgaa tagi doonaa kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in ay Chelsea wadahadalo la qaadatay wakiilka xiddiga si ay wadada ugu haadhaan heshiis dhici kara suuqa January.

Alaba ayaa lala xidhiidhiinayaa kooxo badan oo ay ka mid yihiin Liverpool, Real Madrid, Barcelona iyo PSG kuwaas oo dhamaantood doonaya xiddiga 28 jirka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*