Wakiil Caan Ah Oo Kashifay Kooxda Ay Neymar & Lionel Messi U Wada Ciyaari Doonaan, Barcelona Mise PSG?

Wakiilkii hore ee Neymar ee André Correia ayaa sheegay in uu xiddiga Reer Brazil ku laaban doono kooxda Barcelona si uu Lionel Messi ugaga garab ciyaaro Barcelona.

Neymar ayaa ka tagay Barcelona xagaagii 2017 waxana uu ku biiray kooxda PSG kuwaas oo u jabiyay rikoodhka suuqa kala iibsiga kadib markii ay bixiyeen lacagtii lagu bur-burinayay heshiiskiisa.

Messi iyo Neymar ayaa muddo 4 sano ah isaga garab ciyaaray Barcelona waxana xiddiga Messi lala xidhiidhinayaa ka tagista Barcelona iyo ku biirista PSG halka Neymar horay loola xidhiidhinayay ku soo laabashada Barcelona.

Wakiilkii hore ee Neymar oo la hadlaya Goal ayaa yidhi”Waxa aan muddo 10 sano ah joogaa Magaalada Barcelona waxana aan ku farxi doonaa hadii aan Neymar mar kale ku arko Barcelona”.

“Neymar wwaxa uu Albaabka u furay ku soo laabashada Barcelona waxana aan hubaa in ay taageerayaashu soo dhawayn doonaan”.

“Waxa aan aaminsanahay in ay Neymar iyo Messi mar kale isaga garab ciyaari doonaan kooxda Barcelona kadib markii uu Joan Laporte Madaxweyne u noqda kooxda”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*