Wakhtiyada Ay Bilaabmi Doonaan Tartamada Xilli Ciyaareedka Dambe Oo Dhamaystiran.

Dhamaan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub ayaa haatan si Rasmi ah loo ogaaday wakhtiyada ay bilaaban doonaa xilli ciyaareedkooda cusub ee 2020/2021.

Horyaaladaas ayaa dhamaaday kadib xilli ciyaareed taariikh ah oo aad u daba dheeraaday kadib markii loo joojiyay sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Sidoo kale waxa haatana la sii xaqiijiyay wakhtiga la samayn doono isku aadka wareega Group-yada tartamad yurub ee champions League iyo Europa league.

sidoo kale waxa la xaqiijiyay wakhtiga la ciyaari doono tartanka UEFA Super Cup ee xilli ciyaareedkan haatan lagu jiro.

Waxa intaas sii dheer wakhtiyada ay furmi doonaan suuqyada kala duwan ee yurub iyada oo wakhtiyo kala duwan la furi doono lana xidhi doono.

Hadaba halkan hoose kaga bogo taariikhda 5-ta horyaal ee ugu waaaweyn dib u bilaaban doonaan iyo suuqyada kala duwan ee yurub wakhtiyada ay furmayaan iyo wakhtiyada ay xidhmayaan.

August 4 – Suuqa La Liga ayaa furmaya

August 22 – xilli ciyaareedka horyaalka Ligue 1 ayaa bilaabmaya.

September 1 – Suuqa Horyaalka Serie A-da ayaa furmaya.

September 12 – Xilli ciyaareedka horyaalada Premier League & La Liga ayaa bilaabmaya.

September 18 – horyaalka Bundesliga ayaa bilaabmaya.

September 19 – Xilli ciyaareedka horyaalka Serie A ayaa bilaabmaya.

September 24 – UEFA Super Cup-ka sanadkan ayaa la ciyaari doonaa.

October 1 – Isku aadka wareega Group-yada champions League xilli ciyaareedka dambe

October 2 – Isku aadka wareega Group-yada Europa League xilli ciyaareedka dambe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*