Wakhtiga Uu Willian Heshiiska Cusub U Saxiixi Doono Chelsea Oo La Ogaaday

Xiddiga kooxda chelsea ee Willian ayaa laga yaabaa in uu ogolaado heshiis cusub oo uu u saxiixo kooxda chelsea todobaadkan xilli uu heshiiskiisa Blues dhici doono maalmaha soo socda.

Frank Lampard ayaa weli rajo ka qaba in heshiis laga gaari karo mustaqblak weeraryahankii hore ee Shakhtar Donetsk Inkasta oo uu dalabyo ka helayo kooxo kale hadana waxa ay u muuqataa in guul laga gaadhay wadahadalada labada dhinac.

31-sano jirka ku guuleysta Premier League ayaa dalbanaya heshiis 3 sano ah halka ay chelsea u soo bandhigtay kaliya heshiis cusub oo 2 sano ah.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku noqon kara kooxaha xiisaha u qabay Willian ee ay ka mid yihiin Arsenal, Barcelona, Manchester United iyo kooxda Inter Miami.

Willian ayaa door muhiim ah ka ciyaaray Stamford Bridge tan ilaa markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedka isaga oo dhaliyay 4 gool sidoo kale caawiye ka noqday 3 kale horyaalka premier League.

Sii Akhriso: Dowlada Somaliya Oo U Jawaabtay Beesha Caalamk-ka kadib Dhaleecayn uga Timid

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*