Wakhtiga Uu Thiago Alcantara U Ciyaari Karo Kooxdiisa Oo La Ogaaday.

Tababare Jurgen Klopp ayaa xiddiga khadka dhexe ee kooxdiisa Thiago Alcantara ku bilaaban kara shaxdiisa kulanka West Ham ee sabtida sida ay sheegayaan wararku.

Thiago Alcantara ayaa kooxdiisa ka maqnaa tan ilaa bilowgii bishan kadib dhaawac ka soo gaadhay kulankii 2/2 ee ay Liverpool la gashay Everton.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ka dhaawacmay jilibka kadib markii ay dhamaadkii ciyaarta ciyaarta isku dheceen xiddiga Everton ee Richarlison .

Thiago ayaa dhamaystay ciyaarta laakiin waxa jilibkiisa lagu arkay dhaawac wal-wal ku riday kooxda iyo tababare Taas oo keentay in uu xiddigu ka maqnaa shaxda kulamadii ugu dambeeyay.

Laakiin xiddiga ayaa haatan tababarka la qaata xiddigaha ay isku kooxda yihiin waxa la sheegayaa in uu taam u noqon karo kulanka West Ham ee sabtida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*