Wakhtiga Uu Thiago Alcantara Tijaabada Caafimaadka U Mari Doono Liverpool Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay saxiixa xiddiga kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara kadib horumar ay ka samaysay wadahadaladii ay kula jirtay Bayern Munich.

Wargayska Sports Bild ayaa sheegaya in ay Kooxda Liverpool dalab Rasmi ah oo dhan 30 milyan oo euro ka gudbisay saxiixa xiddiga Thiago Alcantara si ay u hesho saxiixa xiddiga reer Spain.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Bayern Munich aqbashay dalabka Liverpool ee ay ka soo gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in uu xiddiga Thiago Alcantara haatan isku diyaarinayo in uu u duulo Liverpool si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Liverpool.

Sports Bild ayaa sheegaya in uu Thiago Alcantara iman doono Garoonka Melwood ee tababarka Liverpool si uu tijaabada caafimaadka ugu maro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*