Wakhtiga Uu Thiago Alcantara Ku Soo Laaban Doono Kulamada Reds Oo La Ogaaday.

Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Thiago Alcantara ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu ku soo laabto garoonka ka dib fasaxa xulalka ee bishan November.

Xiddigii hore ee kooxda Bayern Munich ayaa dhaawac uga maqnaa kooxdiisa Liverpool kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay jilibka halka uu sidoo kale Wakhti ku maqnaa Xanuunka Korona.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Thiago ku soo laabtay tababarka buuxa ka hor kulankii Man City ee Premier League laakiin uu Klopp go’aansaday in uuna khatar galin xiddiga.

Fasaxa xulalka ayaa xiddiga 29 jirka ah siiyay laba todobaad oo uu ku horumariyo taam ahaanshihiisa waxana uu diyaar buuxa u noqon doonaa in uu ku bilowdo kulanka Leicester City ee kadib fasaxa xulalka.

Xiddiga reer Spain ayaa kaliya hal kulan ku bilowday shaxda Reds tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda suuqii xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*