Wakhtiga uu Raphael Varane Tijaabada Caafimaadka U Mari Doono Man United Oo La Ogaaday.

Kooxda Man United ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga Raphael Varane kaas oo a kala soo wareegayso in uu ku dhawyahay in uu ku biiro kooxda Red Devils.

Man United ayaa doonaysa in ay Raphael Varane Ka Dhigto saxiixeeda 2-aad ee suuqa xagaagan kuna xoojiso daafaca dhexe ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Saxafiga Gianluca Di Marzio ayaa bogiisa Twitter-ka ku sheegay in ay Man United iyo Real Madrid ka heshiiyeen saxiixa xiddiga Raphael Varane Kaas oo haatan isku diyaarinaya in uu ku biiro Kooxda Man United.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in uu Raphael Varane tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda Man United todobaadkan kadib markii ay labada kooxood ka heshiiyeen qiimaha xiddiga oo ku kacaya 59 milyan oo euro.

Raphael Varane ayaa soo afjari doona 10 sano oo uu ku qaatay kooxda Real Madrid isaga oo xagaagan ku biiri doono kooxda Man United kaas oo la filayo in lagu dhawaaqo heshiiskiisa todobaadyada soo socda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ma ahan Qurux, Lacag, Labadan Arin Ku Dooro Gabadha Riyadaada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*