Wakhtiga Uu Nuno Tavares Tijaabada Caafimaadka U Mari Doono Arsenal Oo La Ogaaday.

Nuno Tavares ayaa lagu wadaa inuu maro tijaabada caafimaadka u maro kooxda Arsenal ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiska 8.6 milyan ee uu ugu biirayo kooxda Gunners sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa noqon doona saxiixa ugu horeeya ee kooxda Arsenal waxana ay kooxdu ka bixinaysaa lacag dhan 1.5 milyan euro oo guno ah xiddiga.

Nuno Tavares Ayaa loo arkaa xiddiga booska kula tartami dona Kieran Tierney waxana uu kooxdiisa Benfica u ciyaaray 14 kulan xilli ciyaareedkii hore waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Arsenal ayaa haatan dhamaystirtay wax walba oo heshiiska ah waxana ka hadhay kaliya in uu ku baaso tijaabada caafimaadka ah si loogu dhawaaqo heshiiskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga 21 jirka ah maalmaha soo socda mari doono tijaabada caafimaadka ka hor inta aan si Rasmi ah loogu dhawaaqin saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*