Wakhtiga Uu Mohamed Salah Ka Tagi Kar Liverpool Oo la Ogaaday

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga tagi doono kooxda Liverpool marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa mar kale qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 25 gool 40 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Real Madrid isaga oo dhawaan qirtay rabitaankiisa in uu ku biiro horyaalka La Liga.

Wargayska ESPN ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool Filayso in uu Mohamed Salah isaga tagi doono kooxda Liverpool suuqa kala iibsiga xagaaga. dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool isku diyaarinayso bixitaanka Mohamed Salah iyaga oo suuqa u galay badalka Salah hadii uu ka tago kooxda.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Aan Loo Iloobin Jacaylka Ugu Horeeya?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*