Wakhtiga Uu Miralem Pjanić Doonayo In Uu Ka Tago Barcelona Oo La Ogaaday.

Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Miralem Pjanic ayaa ka shaqeynaya inuu ka tago kooxdiisa Barcelona inta lagu jiro suuqa xagaagan si uu u helo koox uu joogto ugu ciyaaro xilli ciyaareedka soo socda.

Wargeyska Sport ayaa sheegay in uu xiddiga reer Bosnia uu doonayo inuu soo afjaro ka tagistiisa Barcelona ka hor inta ayna kooxda Barcelona u safrin dalka Germany halkaas oo ay ku qaadanayaan tababarkooda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Barcelona ayaa la filayaa inay gaadho magaalada Württemberg 28 bishan haatan lagu jiro iyaga oo ku sugnaan doona halkaas ilaa 3 bisha August iyaga oo 4 bisha August kulan saaxiibtinimo la ciyaari doona kooxda Salzburg.

Xiddiga Pjanic oo 31 jir ah ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Barcelona ka hor Arbacada soo socota si uu u helo koox uu u ciyaari karo xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga ayaa sidoo kale diyaar u ah inuu dhimo mushaarkiisa si uu markale ugu kooxda Juventus maalmaha soo socda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Is Jeclaysiisid Soddohdaa Kulanka Ugu Horeeya, 6-dan Wado Ayaa Kaa Caawinaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*